Adjust Text Size:AAA
 
 
 

Xaafiiska dacwooyinka dadweynaha ee Wales – Soo dhowaada

Shabakadda inerneetka ee Xafiiska dacwooyinka dadweynaha ee Wales

Xafiiska u xiilsaan dacwooyinka dadweynaha waxaa la asaasey 1dii abriil 2006. Xafiiskan wuxuu bedeley xafiiskii hore ee ka tirsanaa dadwladda hoose ee Wales, Qaybta dacwooyinka laamaha caafimaadka ee Wales, Qaybta Maamuulka ee Wales iyo Qaybta Dacwooyinka Dadweynaha ee ku shuqul leh guryaha ee Wales.

Ninka la yidhahdo Adam Peat ee loo magacaabey Xafiiska Qaybta Dacwooyinka dadweynaha waxaa jagadaasi la siiyey bishii oktoobar 2005. Shaqadiisa iyo Maamuulka u hayo waxaa u xiilsaaran Sharciga 2005 ( Ee Wales )  Hawlaha Shacabka ee Dacwooyinka

XIILKA XAFIISKAN

Xilka qofkaasi wuxuu ku lug leeyahay sidii u wax uga qaban lahaa dacwooyinka dadweynaha ee la xidhidha waxyaabaha  ay u gaystaan qaybaha hoos imaada dadwlada amaba dawladda hoose.  Qofka u xiilsaaran dacwooyinka dadweynaha, wuxuu ku dadaala marka hore baadhitan u ku sameeyo dacwooyinkaasi kadibna u la hadlo qaybta ay khuseyso kuna taliyaa in ay wax ka qabtan khaladka dhacay, isla markaasina ay nidaamka bedelan. Dacwooyinka wax laga qabto ayaa marka dambe shaaca laga qaada. Wuxuu kaloo u baadha sidii u wax uga bedeli lahaa khaladaadka ay galan dadka xilka u haya qaybaha badan ee dawladda.

HAWLAHA SIDA AY U KALA MUUHIMSAN YIHIIN

1.Hawlgalka loo fidiyo qof dadweynaha ka tirsan

Xafiiska u xiilsaaran dacwooyinka dadweynaha wuxuu filayaa in qaybaha ka tirsan dawladda iney dadweynaha u la dhaqmaan sii ay cadaalad ku jirto. Haddii ay dacdo in gaf loo gaystey qof ka tirsan dadweynaha wuxuu xafiiskaasi baadha dacwadda la soo gudbiyo, kadibna wuxuu ku dadaala sidii u wax uga qaban lahaa. Haddii ay dhacdo in u xafiiskaasi diido dacwad ka timid qof ka mid ah dadweynaha, wuxuu markaasi sheega sababaha ku kalifey in u arrintaasi ku dhaqaaqo.

2. Hawl fidin

Xafiiska u dooda dacwooyinka dadweynaha wuxuu xaqiijiyaa in hawlihiisa ay gaadhan dadweynaha u baahan, ha ka mid noqdan maatada iyo dadka kaleba ay dhibaatoyiinka haystan sida dadka ka tirsan bulshooyinka kala duwan ee dalkan ku nool.

3. Go’aan qayahan

Waxaa lagu dadaali doona haddii ay surta gal noqoto, in dacwooyinka laga gaadho go’aano cad oo degdeg ah, haddii aysan dacwaddaasi wax u gaysan doonin danaha guud ee dadweynaha.

4. Baadhitan

Kolba sidaa ay u haboon tahay ayaa waxaa u xafiiskan ku dhaqaaqi doona baadhitan ku lug leh dacwadda ka timaadda dadweynaha baadhitaankaasi oo ah mid madaxbanan, iyadoo maanka lagu hayo in si degdeg ah go’aan lagu gaadho.Si loogu gaadho go’aan xaqiiqada ku xidhan waxaa lagu dadaali doona in si hufan loo hawl galo sidii loo halin lahaa go’aanna loogu gaadhi lahaa dacwooyinkaasi.

5. Sidii loo heli lahaa fejignaan adag

Marka u ninka u xiilsaaran dacwooyinka dadweynahaa u kuur galo dacwooyinka wuxuu raadiyaa xal sugan iyadoo loo eegayoo dhibaatoyinka gaadhey qofka dacwoodey.

6. Fejignaan ku xidhaan saameyn guud ahaaneed

Marka u xaafiskaasi dacwooyinka dadweynaha u diyaar u yahay inuu eego dacwooyinka, wuxuu mar kastba ka digtoonaada haddii ay dacwooyinkaasi saameysoo dad kale oo aan ahayn ciddii soo gudbisey dacwadda.Hadii ay jirto in dad kale ay gaadhey dhibaatoyin ka timid dacwad wuxuu qofka u xilsaaran dacwooyinka dadweynaha u fiirsada sii ay fejignaan ku jirto cidda ay gaadhey dhibatadaa.

7. Hawgelin maamul wacan

Hadii u awood u leeyahay wuxuu qofkaasi u xilsaaran dacwooyinka dadweynaha fidiyaa hawl guud ahaaned oo ka mid ah talooyin iyo tusaale la siiyo qaybaha kala duwan ee dawladda. Wuxuu hawlahaasi qabanaya kadib marku la tashto qaybta ay dacwaddu khuseyso, asagoo waaya aragnimo ka raadiyaa meelaha kale ee la shaqeeya xaafiskaasi oo aan ahayn oo keliya Wales.

Wuxuu qofka u xilsaaran dacwooyinka dadweynaha u xaqiijinayaa in baadhitaan adag lagu sameyn doono cidda u shaqeysa hay’adaha dawladda ee sharciga jebiya.

 
Information on how to complain about a public body is also available in the following languages: